Kim Jong Un: Kuuriyada Waqooyi waxa ay sii wadi doontaa Gantaallada ay tijaabineyso.

by admin | Saturday, Nov 19, 2022 | 288 views

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in Dalkiisa uu sii wadayo gantaallada uu tijaabinayo kaddib markii dalka ay kala go’een ee Kuuriyada Koofureed & Mareykanka ku tilmaameen falkaas mid daan-daansi ah.

Madaxweyne Kim ayaa sheegay in Dalkiisa uu had iyo jeer ka falcelinayo dhoolatuska & daan-daansiga ay sameeyaan Kuuriyada Koofureed & Mareykanka oo uu ku sheegay in ay yihiin cadaw isu biirsaday dalkiisa.

Kim Jong Un ayaa u muuqda in uu dhanka kale wax ka baddelay hab dhaqankiisa kaddib markii uu kasoo qaybgalay tijaabo loo sameeyay Gantaallo cusub isaga oo gacanta ku dhegan Gabadhiisa oo aan la sheegin magaciisa.

Hoggaamiyaan looga bartay in xubnaha qoyskiisa & kuwa gaar ah u ah qasriga uu degen yahay ee uu ka maamulo Kuuriyada Waqooyi ayaa u muuqda in uu wax ka baddel ku sameeyay siyaasaddiisa ku saleysan go’aanka adag.

Kim ayaa Mareykanka & waddamada kale ee xulada la ah ku eedeeyay in ay buunbuurinayaan warar aanay waxba ka jirin oo ka dhan ah Dalkiisa balse go’aankooda uu yahay in aanay dheg jalaq loo siin.

Like it? Share it!

Leave A Response