Kim Jong-un oo soo muuqday

by admin | Saturday, May 2, 2020 | 506 views

Hoggaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi Kim Jong-un ayaa soo muuqday markii ugu horreeysay muddo labaatan maalmood ah.

Wakaaladda wararka ee KCNA ayaa sheegeysa in hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu xarigga ka jaray warshadda sameysa qalabka bac-riminta ee beeraha.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in dadkii ku sugnaa warshadda ay aad u farxeen markii ay arkeen hogaamiye Kim Jon Un.

Kuuriyada Waqooyi oo ah dal ay adag tahay in laga helo xog ku saabsan madaxda sare ee dalkaas  waxaana adkaatay in la xaqiijiyo xaaladda caafimmaad ee Kim.

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay soo baxayay warar kale oo sheegaya in hogaamiyaha dalkaas uu galay qalliin dhanka wadnaha ah. Waxaa sidoo kale soo baxay warar kale oo sheegaya in Kim Jong Un uu nool yahay.

Like it? Share it!

Leave A Response