Duqa Muqdisho oo sheegay in ka badan 500 oo Meyd in ay diwaangaliyeen

by admin | Saturday, May 2, 2020 | 504 views

Wasiirka Owqaafta iyo arimaha Diinta ee XFS, wasiirka warfaafinta XFS guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar maxamud Maxamed (Cumar Filish) Gudoomiye ku xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir xildhibaano katirsan golaha shacabka Barlamaanka Soomaaliya, agaasimayaal iyo madaxda degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay kulan heersara ah oo lagu xoojinaayo wacyigalinta ka hortaga cudurka Coronovirus.

Kulankan oo ka dhacay aqalka dowlada hoose Xamar ayaa lagu faray agaasimayaasha dowlada hoose Xamar iyo maamulada degmooyinka in wacyigalin xoogan ay ka fuliyaan degmooyinka Muqdisho si looga hortago cudurka halista ah ee Covid-19.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud Filish ayaa sheegay in ay baaritaano iyo ku sameynaayay dadka la geeyo Qabuuraha tan iyo 19 bishii lasoo dhaafay.

Waxaa uu sheegay in dadka ku dhow 500 ruux ay ku geeriyoodeen Magaalada Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay, islamarkaana ay aaminsan yihiin in ay u dhinteen Cudurka Corona Virus.

Tiraddii ugu badneyd ee ay diwaangaliyaan hal maalin ayuu ku sheegay 43 ruux , halka Midkii ugu yareydna ay aheyd 22 ruux.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa horay u sheegay in xilligaan qof kasta ee dhinta ay Dowladda Soomaaliya u aqoonsan tahay in uu u dhintay Cudurka Coronavirus.

Waxaa uu sheegay in maalin walba ay dhintaan dad farabadan oo la sheegay in Cuduro ay kamid tahay Mallaariyo u dhinteen,balse warkaasi aan wax ka ka jirin hayeeshee dadkaasi dhamaantood ay Guryahooda ugu dhinteen COVID-19.

Like it? Share it!

Leave A Response