Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Maamulka G/Banaadir oo ka jawaabey Cabasho kasoo yeertay Dad Shacab ah

by admin | Thursday, Apr 30, 2020 | 512 views

Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Axmed Xasan Iimaan iyo Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Cali Cabdi oo ay wehliyeen Maamulka Degmada Warta Nabadda iyo Agaasimeyaal ka tirsan Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa ay kormeer ku tageen Wadada dheer ee xiriirisa Xarunta Degmada Warta Nabadda iyo Isgoyska Geed Jaceyl, iyadoo laga jawaabayo cabasho ka timid shacabka ku dhaqan Degmada Warta Nabadda.

Shalay ayaa qaar kamid ah dadka ku nool qeybo kamid ah degmada Wartanabada waxaa ay sheegeen in mid kamid ah wadooyinka ugu muhiimsan ay ka burbursan tahay,isla markaana xataa ay la’yihiin hadii uu qof ka dhinto meydka halkii la marsiin lahaa.

Mas’uuliyiinta Maamulka ayaa dhageystay talooyinka iyo cabashada shacabka ku dhaqan Degmada Warta Nabadda iyagoona balan qaaday in Maamulka Gobolka Banaadir uu si deg deg ah ugu jawaabi doonno cabashada ka timid shacabka.

Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir  Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu qorshaha ugu jiro sidii dib u dhis baaaran loogu sameen lahaa wadadaasi laamiga ah, balse inta ka horeysa ay Maamulka Gobolka ka shaqeyn doonaan sidii bulshada loogu sahli lahaa isu socodka iyo adeegsiga Wadadaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response