Kismaayo: Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay shilal Gaadiid

by admin | Thursday, Apr 5, 2018 | 977 views

Ugu yaraan 3 qof ayaa geeriyootay halka ay 15 kalena ku dhaawacmeen kaddib markii shalay gelinkii dambe ay magaalada Kismaayo ka dhaceen saddex shil Gaadiid.
Shilalka ayaa waxaa ay ka dhaceen Waddada isku xirta Magaaalada Kismaayo iyo Garoonka Diyaaradaha magaaladaas,waxaana dhimashada ay gaareysaa ilaa saddex qof.
Gaadiidka gurmadka deg degga ah ayaa dadka ku dhaawacmay shilalkaas kala duwan ee banaanka iyo gudaha Kismaayo ka dhacay geeyay Isbitaalka weyn ee Magaalada Kismaayo.

Dhanka kale Askar ka mid ah kuwa Maamulka Jubaland ayaa toogtay Askari kale oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Maamulka Jubaland kaas oo uu isna dhaawac soo gaaray.
lama  sheegin sababta ay Askartaasi u toogteen Askariga kale iyada oo sidoo kalena Maamulka Jubaland aysan ka hadlin falkaas lagu dhaawacay Askari.

Like it? Share it!

Leave A Response