Kulan dhexmaray Gudoomiye Mursal iyo Madaxweyne Farmaajo

by admin | Thursday, Nov 8, 2018 | 767 views

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa xalay kulan ku yeeshay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal sheekh Cabdiraxmaan ayaa intii uu kulan kooda socday iska xog-wareystay xaaladaha guud ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Maxamed  Mursal ayaa sidoo kale ka hadlay sidii loo dar-dargelin lahaa xoojinta iyo wada shaqeynta laamaha kala duwan ee Dowladda.

Kulanka Madaxweynaha iyo Gudoomiyha Baarlamaanka ayaa yimid ka dib markii shalay uu iscasilay Madaxweynihii maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn loogu eedeeyay in ay faragelin ku heyso doorashadda maamulka Koonfur Galbeed.

Like it? Share it!

Leave A Response