Kulan looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Gaalkacyo

by admin | Thursday, Oct 28, 2021 | 296 views

Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye (Isxal) ayaa waxaa lagu qabtay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo, waxaana looga hadlay xoojinta amniga Guud ee Gobolka Mudug.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Galmudug Gaashaanle Sare Maxamed Nuur Cali iyo Xubnaha Guddiga difaaca & dib u xoreynta Gobolka Mudug ee Ciidanka daraawiishta Galmudug, waxana lagu falan qeeyay arrimo la xiriira dardar gelinta sugida Amniga Gobolka.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Galmudug Gaashaanle Sare Maxamed Nuur Cali ayaa sheegay in ukeedka ugu weyn ee  kulanka uu ahaa inay wadashaqeyn dhexmarto Guddiga difaaca Gobolka Mudug iyo Maamulka Gobolka si loogu guuleysto suvida Amniga guud ahaan Gobolla.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi kudaray Taliyaha in la isku raacay in Guddiga amniga Gobolka Mudug ay qabtaan qorshaha sugida Amniga, iyaga oo la Shaqeeynaya mas’uuliyiinta ugu sareeya Maamulka Gobolka Mudug ee Galmudug.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal ayaa dhankiisa sheegay inay sii xooninayaan qorshayaasha Amniga Gobolka Mudug, isaga oo u mahad celiyay Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta Galmudug ee kala Shaqeyneysa sugida Amniga.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa dheer jeer ka dhacay falal liddi ku ah amniga, hayeeshee bilihii la soo dhaafay amnigeeda uu ahaa mid wanaagsan kadib howlgallo ay sameeyeen Ciidamada labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland

Like it? Share it!

Leave A Response