Laamaha amniga Turkiga oo awood dheeraad ah loo siiyay la dagaalanka in goobaha Dadweynaha lagu cabo Khamriga & sigaarka.

by admin | Friday, Sep 22, 2023 | 118 views

Dowladda Turkiga ayaa awood buuxda waxa ay siisay ciidamada ammaanka si ay u dabagalaan dadka jebiya amarka culus ee goobaha bulshadu u badan tahay looga mamnuucay in lagu cabo Khamriga, Sigaarka iyo Xashiishka.

Warbaahinta gudaha oo soo xigatay ilo muhiim ah oo u xog-warramay ayaa baahisay in Dowladda ay si gaar ah u beegsaneyso Dadka jebiya amarkaan oo dhowaan la xoojiyay si looga fogaado dhibaatooyinka caafimaad darro ee laga dhaxli karo.

Meelaha sida gaarka ah ee ciidamadu xooggoodu isugu geeyeen waxaa kamid ah: Goobaha Waxbarahada, Caafimaadka, Xeryaha tababarka, Meelaha dhaqanka, Garoomada Cayaaraha, goobaha lagu nasto iyo meel weliba oo Bulsho ku kulmi karta.

Daraasad dhawaan lasoo saaray ayaa lagu sheegay in dalka Turkiga uu kaalmaha hore kasoo galay waddamada laga cabo Sigaarka, Dowladda ayaa soosaartay go’aankaan lagu xakameynayo si aanay bulshadu loogu dhex cabin.

Halista sigaarka qofka cabaya waxaa ka weyn tan dadka uu dhex cabayo sida ay sheegeen dhaqaatiir iyo khubaro caafimaad oo baaris ku sameeyay arrintaan, taasi waa tan keentay in meelo gaar ah loo cayimo si dadka aanay cabin looga fogaateeyo halistaas jirta.

Like it? Share it!

Leave A Response