Raysal wasaare Xamse oo ka hadlay khilaafka ka dhaxeeya dowladda Fedaraalka iyo madaxweynaha Puntland

by admin | Friday, Sep 22, 2023 | 120 views

Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa markale ka hadlay khilaafka ka dhaxeeya dowladda fedaraalka iyo madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, isagoona sheegay in xiriirka kala dhaxeeyo shacabka reer Puntland inuu yahay mid wanaagsan, hayeeshee uusan garaneyn ilaa hadda waxa ay salka ku hayso tabashada uu qabo madaxweyne Deni.

Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumaddiisa ay diyaar u tahay iney xaliso tabasha kasta uu la yimaado madaxeynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

“Deni intuu noo yimid nama dhihin waxan ayaa qaba, waan sugeynaa intuu noo imaado inuu nadhaho waxan iyo waxan waan ayaa raba iyo waxan ayaa ka gows qabsanayaa isaga ayaa sugaynaa inuu noola yimaado” ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Raysal wasaare  Xamse inuu diyaar u yahay inuu safar ku tago Puntland si loo xaliyo wixii mad madow ah ee ka dhex jira labada dhinac, islamarkaana xukuumadiisa ay marwalba diyaar u tahay in wax walba lagu xaliyo wada hadal.

“Wax kasta oo anagu gacanta ku hayno waa u furan yihiin dowladda Puntland, diyaar ayaa u nahay in aan tagno oo xalino wixii ĺa qabo. Waxaa rajeynaynaa in walaalahayaga, gaar ahaan madaxweynaha Saciid Deni isfahano” ayuu yiri Raysal wasaare Xamse.

Raysal wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in xiliga ugu wanaagsan ee lala fariisan karo madaxweyne Deni iney tahay marka ay dhamaadaan doorashooyinka Golayaasha deegaanka oo haatan ay ku mashquulsan yihiin madaxda maamulka Puntland.

“Doorashooyinka wixii ka dambeeya in aan iskugu imaan karno arrimaha kale ayay ila tahay, oo diyaar ayaa u nahay in aan xalino haddii Saciid Deni uu sheegayo wax ka maqan Puntland ama isaga shaqsiyan ka maqan diyaar ayaa u nahay” ayuu yiri Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Hadalkaan kasoo yeeray Raysal wasaaraha ayaa kusoo beegmaya, iyadoo mudo ku dhaw hal sano uu khilaaf adag ka dhaxeeyo Puntland iyo dowladda Fedaraalka, kasoo sababay in Puntland ay ku dhawaaqdo iney u dhaqmeyso sidii dowlad madax banaan oo kale, islamarkaana aysan kasoo qeyb galin Puntland kulamada Golaha Wadatashiga Qaranka iyo shirarka muhiimka ah ee dhexmara dowladda Fedaraalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Like it? Share it!

Leave A Response