Qalbidhagax ” Taako dhulkayaga ka mid ah cid qaadan karta ma jirto”

by admin | Friday, Sep 22, 2023 | 102 views

Waxaa maalintii shalay booqday tuulada Qollaji ee degaanka Soomaalida Wafdi ka socda dowlad degaanka Soomaalida oo ay weheliyaan siyaasiyiin kale, Odayaal dhaqameed iyo dadkale oo ka kooban bulshada qaybaheeda kala duwan.

Haddaba Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbidhagax oo kamid ah masuuliyiinta u sarreysa ururka ONLF oo kamid ahaa wafdigaa booqday Qollaji oo la hadlayay shacabka halkaa ku dhaqan ayaa ka hadlay dagaalkii dhawaan Ciidamada Soomaalida iyo Oromada ku dhex maray degaanka Qollaji, isagoo dhiniciisa xusay in taako kamid ah dhulka dowlad degaanka Soomaalida aysan cidna qaadan karin.

” Shalay iyo daraad waxaa nalagu soo weeraray dhulkayaga, waxaa la mooday in nalaga xoog badan yahay, waxaa la mooday inaanu tabar yar nahay, Soomaali baa tabaryar ninkii islahaayow aan talo kusiiyee Timir laf baa ku jirta, taako dhulkayaga kamid ah cid qaadan karta ma jirto, dadkayagu silic ku noolaan maayo, derisyaduna raaxaysan maayo”, ayuu yiri Abdikariim Sheekh Muuse Qalbidhagax.

Dhinaca kale Qalbidhagax waxa uu farriin u diray maamulka gobolka Oromiya ee dhawaan kusoo duulay dhulka degaanka Soomaalida, “War intay goori goor tahay ee talo gacantiina ku jirto ma joogaysaan, haddaad diidaan fartaan doono ayaan akhriyaynaa”. ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbidhagax oo kamid ah masuuliyiinta u sarreysa Ururka ONLF.

Hadalka Qalbidhagax ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii lasoo dhaafay uu dagaal culus ku dhex maray aagga Qollaji ee degaanka Soomaalida Ciidamada degaanka Soomaalida iyo kuwa Oromiya, dagaalkaas oo khasaare badan oo labada dhinac ah uu ka dhashay.

Dhulkii lagu dagaallamayay maalmihii lasoo dhaafay ee ku hareersanaa Qollaji ayaa deggan maanta iyo shalay, iyadoo wax dagaal iyo colaad kalena aan laga soo sheegin degaankaas, balse shacabka degaanka Soomaalida ayaa ka walaacsan dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay dagaalkaas oo caruur u badan oo aysan jirin cid masuul ah oo ka hadashay iyo cid wax iska waydiisayba.

Like it? Share it!

Leave A Response