Laba ka mid ah horjoogayasha sar sare ee al shabab oo la dilay

by admin | Sunday, Feb 3, 2019 | 716 views

Laba ka mid ah horjoogeyaashii ugu muhiimsanaa ajaaniibta Al-Shabaab ayaa lagu dilay weerar ay fuliyeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya iyo ciidamada Mareynkanka, ayaa howlgalkan qorsheysan ku bur buriyay saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahayeen kontarool koowaad ee laga galo magaalada Bu’aale ee Xarunta Gobolka Jubbada dhaxe.

Xiliga uu howlgalka dhacayay ayaa waxaa goobta ku sugnaa Soomaali iyo ajaaaniib ka tirsan Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda Soomaaliya.

General Cali Maxamed Maxamuud Bogmadow, oo ah taliyaha Qeybta 43-aad ee ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in la burburiyay saldhigii ay Al-Shabaab ku lahayeen kontaroolka laga galo magaalada Buaale

General Bogmadow ayaa waxa uu sheegay in saldhigga lagu dhuftay gantaal kadibna ay hawada sare ay kasoo dagteen ciidamada kumaandooska Soomaaliya iyo ciidamo Mareykan ah iyagoona uu sheegay in halkaasi ka fuliyeen weerar toogasho ah, sida uu sheegay.

Taliye Bogmadow ayaa xusay in halkaasi lagu dilay 22 dagaalyahano iyo horjagyaal isugu jira Soomaali ajaaanib.

Horjoogayaasha ajaaniibta ah ee la dilay ayuu sheegay inay kala yihiin Abuu Suleymaan Ali Abuu Xudeefa, oo kasoo jeeda Yemen iyo Abuu Yaxiid Abuu Maniir, oo aan dhalashadiisa la sheegin.

Abuu Suleymaan Ali Abuu ayaa Al-Shabaab u qaabilsanaa xiriirka arrimaha dibadda, sida soo xero-gelinta dagaalyahanada ajnabiga ah, halka Abuu Yaxiid Abuu Maniir oo u u qaabilsanaa tababarada, isaga oo tababara rgaga fuliya weerada isqarxinta.

Labadan horjooge ayaa ka mid ahaa kuwaa ugu miisaanka culus Shabaab, waxaana dilkooda uu dhaawac xooggan ku yahay kooxda, sida uu sheegay Jeneral Bogmadow.

Like it? Share it!

Leave A Response