Laftagareen oo safar deg deg ah ku tagaya degmo ay xaalad adag kajirto

by admin | Saturday, Jan 16, 2021 | 321 views

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Msxamed oo ku sugan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaaa filayaa in uu booqasho deg deg ah ku tago degmada Xuddur ee Xarunta Gobolka Bakool, halkaas oo xaalado adag ay xilligaan kajiraan.
Shalay waxaa degmada Xuddur gaaray wefdi uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Koofur Galbeed ayna kamid yihiin Wasiirka gaadiidka iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka KoonfurGalbeed, iyaga oo horudhac u ah Safarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Degmada Xuddur ee Xarunta Gobolka Bakool waxaa xligaan kajira xaalado adag oo Bani’aadanimo, kadib markii ay Al-Shabaab go’doomiyeen, waxaana maalmihii la soo dhaafay aad looga hadal haayay Baraha Bulshada, iyada lagu eedeeyay Xildhibaannada iyo Wasiirada iyo Xildhibaannada Dowladda Federaalka ku metela dadka ku nool degmada Xuddur in aysan dadka degmadaas wax u qaban, isla markaana Hoteelo ku yaal Muqdisho ay lacago qaali ku degan yihiin.
Xuddur muddo sideed sano ah waxaa go’doomin ku haya Al-Shabaab, arrintaas oo shacabka magaalada ku keentay culeys dhanka nolasha ah, hase yeeshee bilihii u dambeeyay Alshabaab ayaa labo laabay xayiraadka magaalada waxay gubeen gaadiid badan oo magaalada u siday raashiin iyo waxyaabaha nolasha muhiimka u ah.

Like it? Share it!

Leave A Response