Kenya oo walaac ka muujisay Ammaanka Gobolka Waqooyi Bari

by admin | Saturday, Jan 16, 2021 | 317 views

Guddoomiyaha Ismaamulka Mandheera ee dalka Kenya Cali Ibraahim Roba, ayaa sheegay in uusan ka sii aamusi karin dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab ka wadaan deegaankiisa, isla markaana ay sababtay dhibaatadaas in ay xiran yihiin 295 dugsi hoose muddo 129 Maalmood ah, cabsi Ammaan dartood, sidoo kalena Goobaha Ganacsiga gaarka loo leeyahay qaarkood ay xiran yihiin.
Guddiga adeega macalimiinta ee shaqaaleeya isla markaana geeya macalimiinta ayaa dib ugala noqdey Gobolka Mandheera xaalad amni daro awgeed. Maalintii Isniinta ayay ahayd markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabab ay weerareen bas ku sugnaa magaalada Mandheera ayna ka afduubeen seddex qof sida ay sheegeen saraakiisha amaanka ee dowlada.

Roba waxa uu ku andacooday in dagaalyahanada Al-Shabaab ay marin ka heli karaan kala bar wadooyinkooda gobolada, eedeymahaas oo ay beeniyeen saraakiisha amaanka ee Kenya.
” Aniga oo ah Guddoomiyaha Gobolka Mandheera ee aanan aheyn qof shacab caadi ah oo loo igmaday in uu maamulo howlaha degmadan, waxaan si cad oo awood leh u sheegayaa in in kabadan boqolkiiba 50 wadooyinkan gobolada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab ayuu yiri” Cali Roba
Al-Shabaab ayaa kordhiyay bilihii la soo dhaafay weerarada ay ka geystaan Gudaha degaano ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari, waxaana taasi ay keentay inay yaraadaan isku socodka dadka iyo Gaadiidka, sidoo kalena ay isaga carareen Hay’adaha Samafalka iyo Macalimiinta Iskuulada ee Ajaanibta ah.

Like it? Share it!

Leave A Response