Maamulka Beledweyne oo sheegay in gacanta lagu dhigay dad lagu tuhmayo inay geysteen falal Amni darro

by admin | Sunday, Mar 21, 2021 | 310 views

Maamulka Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa faah faahin guud ka bixiyay Amniga Magaalada iyo howlgalladii ugu dambeeyay oo ciidamada kala duwan ka sameeyeen magaaladaas.

Guddoomiyaha Magaalada Beledweyne Cusmaan Dhicisow Dhuuboow ayaa sheegay in amniga guud ee Magaalada Beledweyne xilligaan uu yahay mid wanaagsan, isla markaana uu rajeynayo in ciidamada ammaanka ay laba jibaaraan.

Guddoomiye Cismaan waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in howlgallo kala duwan ay sameeyeen Ciidamada, Millateriga, Nab adsugida & booliska lagu soo qabtay dad farabadan oo lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin dadka geysta falalka Amni darro.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maamulka degmada Beledweyne Cusmaan Dhicisow Dhuuboow waxaa uu sheegay in dadka howlgalka lagu qabtay ay ku socdaan baaritaano dadkii dambi lagu helaana Maxkamad la horgeyn doona halka kuwa kale la siideyn doono.

Hadalka Guddoomiyaha Magaalada Beledweyne Cusmaan Dhuuboow ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay Magaalada Beledweyne ay ka dhaceen falal amnidarro sida dilka Guddoomiye laameedyo iyo Askar intaba.

Like it? Share it!

Leave A Response