Ciidamada dowladda oo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab fuliyay

by admin | Sunday, Mar 21, 2021 | 285 views

Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo ka mid ah deegaanno ay ciidamada dhawaan ka saareen Al-Shabaab.

Deegaannada ay ciidamada howlgallada ka fuliyeen ayaa waxaa ka mid ah Xaanshooley, Waraaboole, Doonweyne, Kaxaroow, Buulaloow, Maguurto-Baalgooy iyo Cumar Beerre oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa sheegay in Ciidamada ay bulshada ku nool deegaannada ay howlgalka ka sameeyeen u qeybiyay raashin iyo daawooyin, maadaama bulshadaasi ay ahaayeen kuwo nugul, isla markaana aan heysan waxyaabaha aas aasiga u ah nolosha beni’aadamka.

Taliye Cabdullaahi Mustafe Cali Madaale Qaran oo howlgalka hogaaminayay ayaa sheegay in shacabka deegaanku ay aad ugu farxeen markii ay arkeen ciidamada, waxaana uu bulshada ku booriyay inay labo jibaaraan sida ay u garab taaganyihiin ciidamada.

Like it? Share it!

Leave A Response