Maamulka Koonfur Galbeed oo dad horleh u xiray dilkii Carruurta

by admin | Sunday, Apr 18, 2021 | 287 views

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay in ilaa lix Ruux ay u xireen dilkii dhawaan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay loogu geystay laba Carruur ah oo uu dhalay Xildhibaan hore Sheekh Aweys Cabdullaahi, kuwaas oo lagu magacaabi jiray Aamino Aweys & Cabdimuni Sheikh Aweys Cabdullaahi.
Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka Koonfur Galbeed, Mudane Maxamed Xuseen Xasan (Joon) ayaa sheegay in holwgal ay sameeyeen Ciidamada Ammaanka ay u xireen dilkaasi 6 Ruux oo isugu jira Afar rag ah iyo laba Dumar ah , sidoo kale ay jiraan dad kale oo lagu raad joogo.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray wasiirka in dadkaasi Hay’adaha Garsoorka Koonfur Galbeed ay ku wadaan baaris xoogan, isla markaana Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed uu dalbaday in si deg deg ah loo soo geba-gabeeyo.
8-dii Bishaan ayaa labada Carruurta ah meydkooda waxaa laga helay xaafada Suuqa Xoolaha ee magaalada baydhabo, waxaana falkaasi aad uga naxay bulshada ku nool Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gabolka Baay.

Like it? Share it!

Leave A Response