Booliska Galmudug & Puntland oo howlgal Wadajir ah fuliyay.

by admin | Sunday, Apr 18, 2021 | 314 views

Ciidamada Booliiska dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa ay ka fuliyeen Howlgallo Wadajir ah oo Amniga lagu xaqiijinayay.
Howlgalka ayaa waxaa la sheegay i ujeedkiisu ahaa Xaqiijinta Amniga waxaa ay ciidamadu ka sameeyeen waqooyiga iyo Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Taliye kuxigeenada Qeybta Booliiska Gobolka Mudug ee Galmudug & Puntland G/Le Maxamed Xasan Warsame Sanjeex iyo Koomaad ayaa howlgalka hoggaminayay ayaa waxaa ay sheegeen inay uga hortagayeen falalka amni darro oo mararka qaar ay Al-Shabaab ka geestaan Magaalada Gaalkacyo.
Saraakiisha ayaa ugu baaqay Bulshada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland inay la shaqeeyaan Ciidanka Booliiska ee markasta u taagan Amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab.
Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay qaraxyo iyo weeraro toos ah oo qaarkood lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulada Galmudug iyo Puntland.

Like it? Share it!

Leave A Response