Maayar Muqdisho oo dhagax dhigay dhismaha wadda Laami ah oo isku xira Isgoosyada Fagax & Xaawa Casir ee degmada Kaaraan

by admin | Sunday, Oct 22, 2023 | 75 views

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha wadda Laami ah oo isku xira Isgoosyada Fagax iyo Xaawa Casir ee Degmada Kaaraan oo lagu dhisi doono iskutashiga dadweynaha Kaaraan iyo barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal dollar.

Munaasabada dhagax dhiga dhismaha waddadan waxaa goob Joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale, Maamulka degmada, Saraakiil iyo qeybaha bulshada.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa tilmaamay in ay sii socon doonan talaabooyinka lagu horumarinayo bilicda iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee Caasimadda.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu baaqay bulshada in ay jeeb kooda furaan si loogu guuleysto hirgalinta mashaariic hor leh. Sida uu ka yiri khudbad uu ka jadeeyiyey dhagax dhigga waddadaan.

Muddooyinkaan dambe muuqa Muqdisho isbadal ayaa ku yimid iyada Maayar Madaale uu dhigax dhigay waddooyin mudan dhismaha kuwaas oo ay Bulshada Caasimadda baahin weyn u qabtay dhanka isusocodka.

Like it? Share it!

Leave A Response