Wiil 11 jir ah oo kufsi iyo dil loogu geystay magaalada Gaalkacyo

by admin | Sunday, Oct 22, 2023 | 108 views

Wiil yar oo kow iyo toban jir ah, ayaa fal isugu jiray kufsi iyo dil loogu geystay magaalada Gaalkacyo, sida lagu caddeeyay qoraal rasmi ah oo kasoo baxay maamulka isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo.

Marxuumka oo magaciisa lagu sheegay, Cabdinaasir Yuusuf Jihaad, ayaa maalintii shalay ahayd isagoo mayd ah waxaa la geeyay isbitaalka waqooyiga Gaalkacyo.

Maamulka isbitaalku wuxuu sheegay inay dhuuntiisa ka muuqatay calaamado ku saabsan in xarig lagu ceejiyay.

Waxay kaloo caddeeyeen in kufsi loo geystay, islamarkaana ay jiraan calaamado waawayn oo arrintaas muujinayay markii la baaray.

Lama oga cidda ka dambeysa falkaan, laamaha amniga ayaa wada baaritaan ku saabsan arrintaan, iyagoo su’aalo weydiinaya qoyska marxuumka.

Waa falkii ugu horreeyay ee nuuciisa ah ee laga diiwaan galiyo magaalada Gaalkacyo. Balse waa falkii labaad oo isugu jira kufsi iyo dil oo ka dhaca magaalada Gaalkacyo.

Caaisha llyaas Aadan oo ahayd gabadh 12 jir ah ayaa sanadkii 2019 kufsi iyo dil loogu geystay Gaalkacyo, waxaana raggii falkaas ka dambeeyay lagu fuliyay xukun dil ah.

Like it? Share it!

Leave A Response