Macalin Dugsi Quraan iyo xertiisa oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

by admin | Sunday, Oct 22, 2023 | 132 views

Deegaanno katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe waxaa ka socda dagaalo salka ku haya aanooyin qabiil iyo dilal, waxaana sii kordhaya dilalka foosha xun ee aanooyinka salka ku haya ee ka dhacaya deegaanno hoostaga degmada Cadale.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa xalay meel u dhaw deegaanka Xaaji Cali ee hoostaga degmada Cadale ku dilay macalin dugsi Qur;aan iyo afar kamid ah ardaydiisa, kuwaa oo jidka loo galay xilli ay guryahooda kusii jeedeen.

Guddoomiyaha degmada Cadale ayaa warbaahinta u sheegay in dabley hubeysan jidka u galeen macalinka dugsiga iyo xertiisa, kuwaa uu sheegay xilliga la dilayay in ay ka laabteen guri ay subac ku galeen.

“Dadka la dilay waxa ay ahaayeen 5 qof, nin Macallin ah iyo xertiisa ayay ahaayeen, meel Subac ah ayay ka tageen ayaa la leeyahay, waxaana jidka u galay oo dadkan dilay maleeshiyaad hubeysan ” ayuu raaciyay guddoomiyaha degmada Cadale.

Si kastaba ha ahaatee maalmihii lasoo dhaafay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe waxaa ka socday dagaalo iyo dilal salka ku haya aanooyin qabiil, waxaa sidoo kale dab la qabadsiiyay guryo tira badan oo ay dad shacab ah deganaayeen.

Dhawaan ayay aheyd markii deegaanka Burka Diirimeed lagu soo gabagabeeyay gogol nabadeed oo lagu heshiisiinaayay beelo walaalo ah oo wada dega degoomoyinka Cadale iyo Raage ceelle ee gobolka Shabeelaha Dhexe, hayeshee waxaa muuqata in heshiiskaasi uusan noqon mid miradhalay.

Like it? Share it!

Leave A Response