Mareykanka oo Israaiil ku caawinaya Hannaanka Difaaca Casriga ah ee THAAD.

by admin | Sunday, Oct 22, 2023 | 107 views

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay Israaiil u ku caawineyso Gantaallada Casriga ah ee Difaaca loona yaqaan THAAD si ay uga hortagaan duqeynta sida dhibicda roobka oo kale ugu hoobaneysa Magaalooyinka Yuhuudda xoogga ku heysato.

Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa sheegtay in Hannaankaan Casriga ah ee THAAD uu ka gacansiinayo Israaiil sidii looga hortagi lahaa gantaallada culus ee Falastiin ku rideyso saldhigyada iyo magaalooyinka kala duwan tan iyo 7dii Oktoobar 2023.

Biden oo dhowaan safar degdeg ah ku tegay Waddamo kala duwan ayaa ugu dambeyn gaaray Magaalada Tel Aviv isaga oo halkaas kula kulmay Madaxda Israaiil oo uu kala hadlay sidii Washington ay u difaaci lahayd Yuhuudda.

Muddada kooban ee laga joogo tan iyo markii dagaalka Falastiin & Israaiil uu dib usoo cusboonaaday waxa uu Madaxweynaha Mareykanka uu Yuhuudda u diray Hub tira-beel ah si ay ugu adeegsadaan dagaalkaas ay ku jiraan.

Cambaareyntii ugu cusleyd ayay Israaiil kala kulantay duqeyntii ay ku beegsatay Isbitaalka Al-Ahli Baptist ee Magaalada Gaza ku yaalla halkaas oo daqiiqado gudahood ay ku naf waayeen 500 oo ruux oo rayid ah kuwaas oo u badnaa Haween, Carruur iyo Dad da’ ah.

Dalalka reer Galbeedka ayaa ku howlan qorshe lagu baddelayo in ay Israaiil tuurtay gantaalkaas iyaga oo ka dhigaya in uu ka yimid dhanka Falastiiniyiinta dhexdooda inkasta oo horay caddeymo buuxa u keeneen Turkiga iyo Ruushka.

Like it? Share it!

Leave A Response