Madaxweynaha Eritrea oo kusoo jeedda Muqdisho

by admin | Thursday, Dec 13, 2018 | 790 views

Wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa saaka booqasho ku imaanaya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Wafdigiisa waxaa ka mid ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dalkaasi , Wasiiro iyo Ganacsato.

Waa markii ugu horreysay oo uu yimaado Magaalada Muqdisho xilli horay uu Muqdisho u soo gaaray Wasiirka Arrimaha dibadda dowladda Eritrea.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana  xiran wadooyinka muhiimka ah ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Calanka iyo Sawirka Madaxweynaha Eritrea ayaa lagu sharaxay  wadooyinka Muqdisho, waxaana lagu waddaa in garoonka Muqdisho uu kusoo dhaweeyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Like it? Share it!

Leave A Response