DEG DEG: Diyaarad Siday Mukhtaar Rooboow oo Muqdisho kasoo degtay

by admin | Thursday, Dec 13, 2018 | 729 views

wararka naga soo garaya  magaalada muqdisho   ayaa sheegaya  in diyaarad siday Mukhtaar Rooboow ay Kasoo degtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Mukhtaar Rooboow oo ay la socdeyn Ciidamo farabadan oo kuwa dowladda Soomaaliya ah, looga soo qaaday Garoonka Aadan Cadde gawaarida qafilan, lamana oga ilaa iyo haatan halka la geeyay.

Mukhtaar Rooboow ayaa waxaa Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda waxa ay kasoo xireyn Magaalada Baydhabo, halkaasi oo uu ka waday ololo uu ku doonayey in uu ku qabto xilka madaxweynenimo ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu musharax ka ahaa ka hor intaan lasoo xirin maanta.

Xiritaanka Mukhtaar Rooboow ayaa Magaalada Baydhabo ka dhalisay jahwareer siyaasadeed iyo xasilooni la’aan ka dib banaanbaxayaal taabacsanaa Mukhtaar Rooboow ay magaaladaasi ka bilaabeyn banaanbaxyaal rabshada wata.

Xarigga ka hor, Mukhtaar Rooboow wuxuu ka mid ahaa musharixiinta ugu cad-cad ee u tartamayay xilka madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeedka.

Ka hor inta uusan Dowladda Soomaaliya isu soo dhiibin, Mukhtaar Rooboow oo sidoo kale loo yaqaanno Abuu Mansuur, wuxuu ahaa bartilmaameedka ugu weyn ee la doon doonayay in la soo xiro, maadaama uu horay u ahaa af-hayeenka Al Shabaab

Like it? Share it!

Leave A Response