Madaxweynaha Galmudug oo ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo uu galiyay Galmudug

by admin | Tuesday, Aug 15, 2023 | 112 views

Iyadoo deegaanada maamulka Galmudug uu ka socdo abaabulkii ugu dambeeyay ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin maamulkaas ayaa madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor waxa uu Xalay shaaciyay in Galmudug lagu soo rogay xaalad deg deg ah.

Madaxweyne Qoorqoor oo Xalay ka hadlay munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 17-aad ee kasoo wareegtay markii la aas aasay maamulka Galmudug ayaa sheegay in dhamaan la hakiyay howlahii caadiga ahaa ee maamulka Galmudug, isagoona xusay in wasiirrada iyo masuuliyiinta kale ee maamulka loo fasaxay iney ka qeyb qaataan dagaalka Al-shabaab looga saarayo Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka ku nool deeganada ay wali haystaan kooxda Al-shabaab iney cabsida iska yareeyaan, islamarkaana ay dhaw dahay waqtigii laga xureyn lahaa kooxda Al-shabaab.

“Waxaan ugu baaqayaa dadka ay Khawaarijtu heysato inay cabsida iska dhaafaan, nasrigu waa dhowyahay, ciidankii Qaranka ayaa idinku soo wajahan oo diyaar u ah in cadawga idinka xureeyaan ee ka fogaada cadowga idin dhibaateeyey” ayuu yiri madaxweyne Qoorqoor.

Hadalka madaxweyne Qoorqoor ayaa kusoo beegmaya, iyadoo magaalada Dhuusamareeb todobaadkii labaad uu ku sugan yahay madaxweynaha dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay inuu halkaas u tagay dardar galinta dagaalka ka dhanka ah Shabaab ee lagu soo afjarayo wajigiisa koowaad.

Like it? Share it!

Leave A Response