Senator Dubbe “Madaxweynihii Tuute ayuu xirtay, Xildhibaannadii Qaaci ayey tumanaayaan oo Xamar bey joogaan.”

by admin | Monday, Aug 14, 2023 | 168 views

Senator Cusmaan Abakor Dubbe oo maanta ka hadlay fadhiga Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa qaar ka mid ah Xildhibaannada iyo madaxda dalka ugu baaqay in ay dagaalka qeyb ka noqdaan oo aan kaligiis lagu fiirsan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Senator Dubbe ayaa dhammaan madaxda dalka u soo jeediyey in dagaalka la wada galo oo furiimaha la wada tago, isaga oo u soo jeediyay dowladda in la fasaxo waxbarashada, shaqaalaha dowladda si loo wada galo dagaalka.

Dubbe ayaa eed culus u jeediyay Xildhibaannada, isaga oo sheegay in qaar kood ay  ku mashquuleen Qaaci iyo dalxiis halka Madaxweynihii uu jooga furimaha dagaalka, isaga oo arintaas ka hadlaya waxa uu yiri, “Madaxweynihii Jamhuuriyadda Tuute ayuu xirtay, furintii ayuu joogaa, Xildhibaannadii Qaaci ayey tumanaayaan oo Xamar bey joogaan, qaar kooda Ciyaaraha ayey daawanayaan.”

Isaga oo sii hadlaya ayuu yiri, “Waxa ay ahayd dhammaanteen in aan gurmanno, maanta jiritaankeen ayaa la’isku hayaa, intii aan u gudbin Federaal. Dad baa u haysta in haddii Xasan Sheekh uu ku soo jabo dagaalka in dowlad cusub iska imaaneyso; Wallaahi in aanan noqoneynin, Soomaaliya waxa ay noqoneysaa meel ay ka quustaan maalgaliyaasha.”

Ugu dambeyn Sentor Dubbe ayaa dowladda u soo jeediyey in dagaalka la wada galo, isaga oo yiri, “Shaqada waan u soo laabaneynaa ee dagaalka aan wada galno, waxa aan raabnaa in dowladdu fasaxdo Iskuullada, Jaamacadaha, shaqaalaha iyo Wasaaradaha, dalka waxa uu ku jiraa inta uu u dhaxaysa nolol iyo geeri, haddii kale taariikhda waxa la oran doonaa dad Soomaali ah baa jiri jiray.”

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya haddane ka mid ah Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare Senator Cusmaan Abakor Dubbe ayaa hadalkaan ka sheegay kulanka Golaha Aqalka Sare kaas oo maanta ka doodayeen arrimaha Fedaraalka iyo dib u heshiisiinta.

Hadalka ka soo yeeray Senator-ka ayaa ku soo beegmaya xilli guud ahaan dalka uu ku socda dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kaas uu hormuud u yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo xarun ka dhigtay Magaalada Dhuusamareeb oo ah Caasimadda Maamulka Galmudug.

Like it? Share it!

Leave A Response