Madaxweynaha Galmudug & Wasiirka Difaaca oo gaarey deegaano hoostaga degmada Ceelbuur

by admin | Wednesday, Aug 30, 2023 | 116 views

Madaxwaynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor oo uu la socdo Wasiirka Gaashaandhiga dalka Cabdulkadir Maxamed Nuur ayaa gaarey deegaano hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud halkaas oo dhawaan ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ay la wareegeen.

Safarka Madaxweynaha ayaa ujeedkiisu ahaa u kuurgelidda xaalada deegaanadaas iyo dhiirragelinta Ciidama Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo shacabka deegaanka kuwaasoo u awood sheegtay kooxaha khawaarijta ee argagaxisada ah.

Goobaha ay tageen Madaxwayne QoorQoor iyo Wasiirka Difaaca ayaa ah goobo intooda badan ciidamadu ay ku gaareen howlgalka wajiga koowaad ee Galmudug lagu xoreynayo, kuwaas oo Ciidama dowladda ay sheegteen in ay guulo ka gaareen.

Booqashada Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor oo uu la socdo Wasiirka Gaashaandhiga dalka Cabdulkadir Maxamed Nuur ayaa ku soo aadaysa xilli Gobolka Galgaduud uu ka socda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response