Madaxweynaha Somaliland oo soo dhaweeyey go’aankii ay soo saareen Odayaasha Dhaqanka ee arrimaha doorashooyinka

by admin | Wednesday, Aug 30, 2023 | 153 views

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto Madaxweyne ka soo saaray Soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka ee Arrimaha Doorashooyinka, kaas oo ay soo saareen bilowgii todobaadkaan kaddib kulamo ka dhacay Magaalada Hargeysa.

Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somaliland lagu faafiyay barta Facebook ayaa lagu sheegay in Xukuumadda uu hoggaamiyo Muuse Bixi Cabdi ay soo dhaweeneyso go’aanka ka soo baxay Odayaasha dhaqanka.

Warka ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu yiri, “Waxaannu idinla socodsiinaynaa in xukuumaddu aqbashay soo-jeedintii Odayaasha Dhaqanka ee Dhex-dhexaadinta isu xil-qaamay, anaga oo tix-gelinnay wada-tashiga guud iyo xaaladaha guud ee dalka.”

“Sidaa darteed, si doorashooyinku inoogu hir-galaan waxaannu ka codsanaynaa Golaha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) in ay waafajiyaan soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka Shuruucda iyo Xeerarka Doorashooyinka ee Dalka,” ayaa lagu soo gabagabeeyey wareegtada ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Somaliland.

Go’aanka ka soo baxay Xukuumadda Muuse Bixi ayaa ku soo beegmaysa xilli Musharraxa Xilka Madaxweynaha Somaliland ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaani Maxamed Cabdullaahi Cirro iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ay soo dhaweeyay go’aanka kasoo baxay Guddiga dhexdhexaadinta Jabhadda ku sugan Gacan-Libaax iyo Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Like it? Share it!

Leave A Response