Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo la kulmay Wafdi ka socday DDS

by admin | Thursday, Jun 25, 2020 | 448 views

Wafdi ka socday Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo isuga Jiray heer Wasiir iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeelle iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida M Mustafa Cagjar ayaa waxaa soo dhoweyn wanaagsan loogu sameeyay Magaalada Beledweyne.

Xubnaha Wafdiga ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay ku sugnaayeen degmada Feer feer, halkaas oo Maamulada Hir-Shabeelle iyo Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ay heshiis kala dhigeen laba Maleeshiyo Beelood oo dagaalamay.

Soo dhoweyn kaddib Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa qasriga Madaxtooyada Magaalada Beledweyne ku qaabilay Wafdiga isagoo ka xog wareystay dadaalada labada dhinac ka socda ee dhab u heshiisiinta, iyo muhiimada ay leedahay iskaashiga ka gacansi iyo amni ee labada Dowlad Goboleed.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelle ee Dowlad degaanka Soomaalida Aadan Axmed Sooyaan ayaa sheegay in ujeedka ay u yimaadeen ay ku qotonto dhinacyo badan sida ganacsiga wada noolaanshaha iyo amniga bulshada labada dhinac

Like it? Share it!

Leave A Response