Wafdi ka socda DDS oo soo gaaray Beledweyne

by admin | Wednesday, Jun 24, 2020 | 476 views

Wafdi ka socda Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Shabeelle Aadan Axmed Sooyaan ayaa waxaa ay soo gaareen Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,iyada oo halkaaai si Dorian loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga oo ka yimid Magaalada Feer feer oo ay u tageen Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hir-Shabeelle iyo kan Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya xalinta colaad beeleed halkaasi ka jiray ayaa waxaa Beledweyne kusoo dhaweeyay Maamulka Gobolka Hiiraan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Waa marki ugu horeysay oo wafdi u hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Shabeelle u socdaal kuso gaaro Beledweyne si loo dhameeyo Xisaado ka taagan Waqooyiga Gobalka Hiiraan.

Xubnaha Wafdiga ayaa waxaa ay kulan la qaadan doonaan Maamulka Gobolka Hiiraan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Like it? Share it!

Leave A Response