Madaxweynaha Jabuuti oo soo saaray Digniin la xiriirta Dhibaato Soomaaliya ka dhici karta

by admin | Tuesday, Oct 3, 2023 | 117 views

Madaxweynaha dalka Jabbuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si weyn u taageerey in dib loo dhigo xilliga ay dalka Soomaaliya ay ka baxayaan Ciidamada Nabad Ilaalinta u jooga ee ATMIS.

Soomaaliya ayaa dabayaaqadii bishii September ee tagtay si rasmi ah codsatay in la hakiyo qorshihii bixitaanka ciidammadii Nabad Ilaalinta u joogay Soomaaliya, oo muddooyinkii u danbeeyey si qayb qayb ah uga baxayey guud ahaan fadhiisimmadii ay ku lahaayeen dalka.

Bisha December ee sanadka soo socda ee 2024 ayaa loo asteeyay waqtiga ugu dambeeya oo ay Soomaaliya ka baxayaan guud ahaan ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee ATMIS.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Gelle oo wareysi gaar ah siiyay telefishinka TRT World ayaa sheegay in haddii ay ciidamada ATMIS Soomaaliya ka baxaan iyada oo aan la diyaar garoobin ay dhaceyso xaalad jahweer ah oo la mid ah tii ka dhacday Afghanistan.

Bilahan soo socda aad ayay muhiim u yihiin, haddii kale waxaanu mar labaad arki doonaa wixii ka dhacay Afghanistan, markii ay ciidamada Mareykanka waddanka ka baxeen iyada oo aan diyaar garow jirin, sidaa darteed tan Soomaaliya haddii ay sidaas dhacdo waxaa gebi ahaanba dhimanaya rajada dadka oo dhan.”

Horay Jabuuti iyo Kenya ayaa walaac uga muujiyay ka bixitaanka ATMIS ee Soomaaliya waxayna markaasi sheegeen in ciidamo ka socda labada dal oo ka madax bannaan kuwa ATMIS ay geyn doonaan guadaha Soomaaliya.

Maamulka Jubbaland ayaa isna walaac ka muujiyay bixitaan ciidamada Nabada Ilaalinta ee ATMIS iyagoo ku tilmaamay inuu ahaa go’aan aan laga fiirsan, horseedi karana in Al-shabaab ay qabsadaan goobaha ay baneeyaan ciidamada maaddaamaa ciidamada Soomaaliya ay ku adagtahay in sugaan amniga goobahaas.

Markii ay ciidamada ka baxeen qeybo ka mid ah goobihii ay sugnaayeen ayaa waxaa qaar ka mid ah dib u qabsaday Al-shabaab taas oo walaac badan abuurtay.

Like it? Share it!

Leave A Response