Madaxweynaha Koofur Afrika oo ka digay in Dalkiisa uu noqdo goob lagu raadsado dhiggiisa Ruushka.

by admin | Wednesday, Jul 19, 2023 | 191 views

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in Dalkiisa aanay ahayn waddan lagu raadsan karo Madaxweynaha Dalka Ruushka Vladimir Putin oo Dalal badan ay qorsheynayaan in ay ku qabtaan dalkaan dhaca Koofurta Afrika.

Ramaphosa Waxa uu si cad u sheegay in Putin uu ka qaybgeli karo shirk aka dhaca Magaalada Johannesburg taasina aanay ka dhigneen in la xiri karo haddii uu Madaxweynaha Ruushka cagaha dhigo Dalka Koofur Afrika.

Isku dayga socda ee lagu weerarayo ama lagu qabanayo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayuu hoggaamiyaha Koofur Afrika ku tilmaamay mid faraha dhiigga loogu gelinayo Dalkaan oo la micno noqonaya in uu tikidh u jartay dagaalka Moscow.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ICC ayaa xaanshi soo xiris ah u jartay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo ay ku eedeysay in uu dhiig badan ku daadshay Dalka Ukraine oo Xukuumaddiisa ku duushay 24kii Febaraayo 2022.

Koofur Afrika waxa ay xubin ka tahay waddamada saxiixay fulinta axdiga Maxkamadda ICC ee ah soo qabashada qofka markaas waaranka loo jaro haddii uu tago dalkaas, balse waxa ay Johannesburg u muuqataa in ay sii afeefaneyso.

Horay waxa ay u diiday 2015kii in ay soo qabato Madaxweynaha Xabsiga hadda ku jira ee Jamhuuriyadda Suudaan Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir oo ay dooneysay Maxkamadda, tallaabadaas waxaa ka carooday waddamo badan.

Madaxweynaha Koofur Afrika waxa uu kamid ahaa madax ka socotay Ururka Midowga Afrika oo qiimeyn u tegay dagaalka Ukraine, saameynta taban ee ka dhalatay, qorshaha qaaraddaan ay ka leedahay soo afjaridda iyo haddii ay heli karto door ay ku dhexdhexaadin karto labadaan Dal.

Like it? Share it!

Leave A Response