Madaxweynaha Somaliland oo u Ambabaxay dalka Jabuuti

by admin | Monday, Feb 21, 2022 | 438 views

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa saaka u ambabaxay dalka jamhuuriyadda Jabuuti.

Safarka  madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa muddo maalmo ah qaadan doona, waxana wehelinaya wasiirrada wasaaradaha, Arrimaha gudaha, Warfaafinta iyo Ganacsiga.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Geelle iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsa  dalkaas, isaga oo kala hadli doona arrimo dhowr ah.

Like it? Share it!

Leave A Response