Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo ka socota Muqdisho

by admin | Monday, Feb 21, 2022 | 345 views

Guddiga Maamulka Doorashada Xildhibaanada Kuraasta labada Aqal ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa wada qabashada doorashada Saddexda kursi ee ugu dambeeya 46 kursi  Golaha Shacabka ku leeyihiin Gobolada Waqooyi.

Kursiga Hop#243 oo uu horay isaga casilay Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii hore ee dalka Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa doorashadiisa la qabtay, waxaana Maanta ku guuleystay Marwo Samsam Muxumed Cumar kadib markii ay tanaasushay  Musharax Xildhibaan, Marwo Dallays Cali ibraahim, waxaana cod gacan taag ah oo loogu codeeyay ay heshay 98 Cod waxaana ka aamusay laba Cod.

Maanta ayaa qorshuhu yahay in la soo geba-gabeeyo doorashada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Like it? Share it!

Leave A Response