Madaxweyne Al-Bashiir” WhatsApp ama Facebook Madaxweyne kuma dhaco”

by admin | Friday, Feb 1, 2019 | 835 views

Cumar Xasan Al-bashiir Madaxweynaha Sudan  ayaa ku jeesjeesay mucaaradka kasoo horjeeda xukuumaddiisa oo uu ku tilmaamay in ay baraha bulshada u adeegsadeen kana soo abaabuleen dibadbaxyada kadhan ah xukunkiisa.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in meesha kaliya ee lagula bixikaraa in ay tahay doorasho,islamarkaana loo baahan yahay in si deg deg ah loo joojiyo Banaanbaxyadda.

“Xukuumad ama madaxweyneyaal laguma baddalo WhatsApp ama Facebook. Waxaa lagu baddali karaa oo kaliya doorashooyin,” ayuu u sheegay taageerayaashiisa.

Hadalkan ayuu yiri ayadoo dibadbaxyo cusub lagu qabtay magaalada caasimadda ah ee Khartoum.

Dibadbaxyada ayaa ka dhashay gunnooyinkiii lagu kabi jiray rootiga oo la jaray bishii December hase ahaatee markii dambe waxay isu baddaleen kuwo dhaliyey caro looga soo horjeedo xukunka Mr Bashir.

Kooxaha xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa ayaa gaarsiinaya tirada dhimashada in kabadan 40 qof.

Like it? Share it!

Leave A Response