Wariye muddo xirneyd oo la siidaayay

by admin | Thursday, Jan 31, 2019 | 879 views

Dowladda Iran ayaa xaqiijisay in Wariye Mareykanka ku dhalatay oo ka howl gasha TV-ga afka dowladda Iran ku hadla, ay dib ugu laabatay Iran kadib markii muddo ka badan isbuuc ay ku xirneyd Mareykanka.

Haweyneydaan ayaa lagu Magacabaa Marzieh Hashemi waa war akhriye ka tirsan Press Tv, waxaa la xirey 13-kii January kadib markii ay soo caga dhigatay St. Louis, Missouri, oo ay qoyskeeda ku booqaneysay.

Masuuliyin Mareykan ah ayaa sheegey in la sii daayay Marzieh isbuucii la soo dhaafay kadib markii baaris lagu sameeyay.

Dowaldda Mareykanka ayaan faahfaahinin kiiska gabadhhaasi wariyaha aheyd.

Marzieh ayaa boqollaal dad ah ku soo dhaweeyay garoonka dayuuradaha ee Imam Khomeini International Airport.

Like it? Share it!

Leave A Response