Madaxweyne Cabdi Maxamuud oo is casilay

by admin | Monday, Aug 6, 2018 | 1337 views

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya magaalada Jigjiga, waxaa gelinkii dambe ee maanta is casilay Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

Wariyeyaal ku sugan magaalada Jigjiga ayaa waxa ay inoo sheegeen is casilaada Madaxweyne Cabdi Maxamuud inay ka dambeysay kadib markii uu cadaadis kala kulmay Odayaasha dhaqanka, si xaalada loo dejiyo.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa xilka ku wareejiyay Wasiirka Maaliyadda maamulkaasi Axmed Cabdi Maxamed Ilkacase, kadib kulan ay yeesheen Gudiga Fulinta Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalda Jigjiga ayaa waxa ay sheegayaan in magaalada ay la wareegeen ciidanka dowladda federaalka Itoobiya, kadib markii ay ka baxeen ciidanka Liyuu Boolis.

Ilo wareedyo ayaa waxa ay sheegeen in Madaxweyne Cabdi Maxamuud looga yeeray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, is casilaadiisa kadibna uu u duulay halkaasi.

Xaalada magaalada Jigjiga ayaa maalmihii dambe waxa ay aheyd mid qasan, kadib markii ay ka dhaceen banaanbaxyo is xig xigay oo geystay khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed.

Like it? Share it!

Leave A Response