Salva Kiir oo xaaskiisa u dallacsiiyay darajada Jeneraal Ciidan

by admin | Monday, Aug 6, 2018 | 1425 views

Madaxweynaha Dalka koofurta Suudaan Salva Kiir, ayaa xaaskiisa Mary Ayen,waxaa uu u dallacsiiyay darajada Jeneraalka ee ugu sarreysa dhinaca Ciidamada Dalka Koofurta Suudaan.

Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ee xaaskiisa uu ugu dallacsiiyay darajada Jeneraalka kuma sheegin xilka ay ka dhex qaban doonto Ciidamada dalka Koofurta Suudaan.

Labo Haween ah oo kale ayaa loo dallacsiiyay darajada Gaashaanlle sare,waxaana laga dallacsiiyay Gaashaanlle dhexe.

Afhayeenka Ciidanka Dalka ee SPLA,Ninka lagu magacaabo Lul Ruai Koang,ayaa u sheegay Warbaahinta dalkaas in go’aanka Madaxweynaha uu dhiirro gelin u yahay haweenka dalkaas.

LabadaHaweenka ah ee la dallac siiyay ayaa Ciidamada ku biiray Sanadkii 1983dii Xilligaas oo Koofurta Suudaan ay ka mid ahayd Suudanta Waqooyi.

Sarreeye Guuto Nyankiir ,ayaa isaguna loo dallacsiiyay Sarreeye Guud,afhayeenka ayaa sheegay in arrtintan ay ku timid wax qabadka Saraakiishaas oo ahaa mid sarreeya.

Like it? Share it!

Leave A Response