Madaxweyne Farmaajo & Madaxda Dowlad Goboleedyada oo kulan yeeshay

by admin | Wednesday, Sep 30, 2020 | 344 views

Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxaa xalay kulan ku yeeshay  Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Kulanka ayaa Madaxda waxaa ay uga hadleen dhismaha Guddiga doorashada heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed, dhismaha Guddiga Xalinta khilaafaadka jaangoynta waqtiga doorashada iyo waajibaadka Guddiyada la magacaabayo.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo maalmahaan ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo ayaa si deg deg ah dib ugu soo laabtay Muqdisho, isaga oo ku biiray Madaxda shirka,iyada oo shirka inta badan diirada lagu saaray arrimaha doorashada.

Wararka Risaala ay heleyso ayaa waxaa ay sheegeen in Madaxda ay isku raaceen in la dedejiyo dhismaha guddiga doorashada heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed, si ay u bilaawdaan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Kulamada la xiriira arrimaha doorashooyinka ayaa waxaa ay noqon doonaan kuwa sii socda, waxaana arrintaan ay imaaneysaa xilli xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ay ku baaqeen in la siiwado shirarka looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka.

Like it? Share it!

Leave A Response