Ra’iisul Wasaare Rooble oo laamaha Amaanka “dusha u saaray waajibka sugida” Nabadgalyada.{sawiro}

by admin | Tuesday, Sep 29, 2020 | 351 views

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Taliyeyaasha Ciidanka qalabka sida iyo laamaha amniga Gobolka banaadir ayaa kala hadlay qorsheyaasha lagu dardar-gelinayo ammaanka, dhammeystirka dib-u-habeynta ciidamada iyo dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada.

Eng Rooble oo labo maalin ka hor xilka lawareegay ayaa Talisyada Ciidanka kala hadlay sugida amaanka magaaladda Muqdisho iyo howlgaladda ka socda goboladda dalka ee ka dhanta ah Xoogga Al Shabaab.Image may contain: 4 people, people sitting, table and indoor

“Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u soo bandhigay Taliyeyaasha Ciidamada ee uu la kulmay mudnaanta uu siinayo xasilinta amniga guud ee dalka iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Xafiiska wasiirka 1 aad.Image may contain: 1 person

Rooble ayaa u sheegay rasaakiisha in waajib ka saaranyahay amaanka iyo nabadgalyada dalka.Image may contain: 1 person, closeup

“Laamaha amniga ayuu xasuusiyey Ra’iisul Wasaaruhu waajibka ka saaran ilaalinta nabadgelyada iyo fududeynta dhaqdhaaqa bulshada, iyagoona sii xoojinaya dadaallada lagu xaqiijinayo xasilinta caasimadda” ayaa la raaciyay qoraalka.Image may contain: 1 person, sitting

Kulanka oo ay ka qayb galeen siihayaha Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda ayey dhankooda sheegeen guddiga amniga in ay sii dardar-gelin doonaan qorshahooda ku aadan amniga iyo la dagaalanka Al ShabaabImage may contain: 2 people, people sitting

Xukumadii xilgaarsiinta ayaa horay u baabi’isay barnaajimkii Tubta amniga iyo Cadaallada oo ay dajisay Xukumadii Xasan Cali Khayre oo taas arimaha amaanka hoysgaynaysay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Like it? Share it!

Leave A Response