Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo ku wajahan magaalada Gaalkacyo

by admin | Tuesday, Apr 26, 2022 | 284 views

Saacadaha soo socda ee Maanta ah ayaa waxaa lagu wadaa in Madaxweyne kxuigeenka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha uu ku wajahan yahay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.

Safarkaan ayaa kusoo aadaya xilli uu sii xoogeysatay khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Puntland & kuxigeenkiisa, kaas oo salka ku haaya arrimaha awooda Maamulka.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ujeedka safarka uu Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash uu ku tagayo Magaalada Gaalkacyo ay tahay baaritaanka weerarkii lagu qaaday Guriga Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad oo uu ku sugnaa Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Safarka Madaxweyne kuxigeenka Puntland ee Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku wehlin doona Guddiga uu dhawaan u Magacaabay baaritaanka weerarka lagu qaaday Guriga uu ku sugnaa Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdi Saciid Muuse.

Like it? Share it!

Leave A Response