Madaxweyne Laftagareen oo gaaray Magaalada Dhuusamareb

by admin | Friday, Aug 25, 2023 | 139 views

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Caasimadda Dhuusamareeeb ku soo dhaweeyay dhigiisa Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed.

Madaxweyne Laftagareen ayaa caasimadda Dowladda Galmudug u gaaray si uu uga qayb galo shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo ka furmi doona Dhuusamareeb dhowaan.

Sidoo kale, madaxda kale ee dowlad goboleedyada ayaa lagu wadaa iney saacadaha soo socda gaaraan magaalada Dhuusamareeb si ay uga qeyb galaan shirkaas.

Waxaa sidoo kale muddo labo todobaad ka badan ku sugan magaalada Dhuusamareeb Madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh Maxamuud oo shirkaas u gudoomin doona, isagoo halkaas u jooga la socodka iyo abaabulka howlgalka Al-shabaab looga saarayo degaanada ay ka joogaan Galmudug.

Madaxweynaha Puntland oo khilaaf awgeed aan ka qeyb gelin shirarkii ugu dambeeyey ee madasha wadatashiga ee ka kala dhacay Muqdisho iyo Baydhabo ayaan la ogeyn inuu ka qeyb galayo shirkan iyo in kale.

Like it? Share it!

Leave A Response