Elon Musk oo lagu eedeeyay in uu shaqo u diiday Dad magangalyo doon ah.

by admin | Friday, Aug 25, 2023 | 106 views

Milkiilaha Shirkadda (X) Twitter Elon Musk ayaa loo heystaa eed la xiriirta in uu shaqo u diiday Dad Magangalyo doon ah sida ay caddeysay Waaxda Cadda Mareykanka oo dacwaddaan kusoo oogtay Ninkaan dhaqaalaha badan heysta.

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa sheegtay in falkaan uu dhacay intii u dhaxeysay 2018 illaa 2022 oo waqti gaar ah laguma muujin balse shirkadda Space X ay ku xadgudubtay shuruucda socdaalka Dalkaas waa sida hadalka loo dhigay.

Elon Musk iyo saraakiisha ka hooseysa ayaa si been abuur ah u sheegay in shirkaddoodu ay shaqaaleysiiso keliya dadka haysta dhalashada Mareykanka ama kuwa gacantooda u gashay deganaashiyaha rasmiga ah.

“Sharciga Maraykanku wuxuu dhigayaa in qofka laga shaqaalaysiinayo shirkadda SpaceX inuu haysto ugu yaraan deganaansho rasmi ah, maadaama ay shirkaddu ka shaqayso agab hub ah oo casri ah oo horumarsan” ayuu bartiisa X, ee hore loogu yaqaanay Twitter ku qoray Elon Musk, 16kii June 2020.

Elon Musk ayaa lagu qasbi doonnaa in uu shaqaaleysiiyo Magangalyo doonka si uu u dhaqangeliyo shuruucda ku xusan heshiiska shaqo-gelinta, waaxda caddaaladda Mareykanka ayaa ku goodisay in ay la xisaabtami doonto Ninkaan maalqabaynka ah.

Like it? Share it!

Leave A Response