Taliyihii ciidanka Somalilland ee gobolka Sool oo gacanta lagu dhigay{sawiro}

by admin | Friday, Aug 25, 2023 | 161 views

Xoogaga SSC ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen taliyihii ciidanka Somaliland ee gobolka Sool Faysal Cabdi Bootaan.

Taliyaha ayaa laga soo qabtay inta u dhexeysa degaanada Oog iyo Guumeys ee gobolka Sool, xili uu isku dayey inuu u baxsado dhinaca Magaalada Burco sida ay wararku sheegayaan.

Ciidan ka tirsan SSC oo ka War helay goobta uu joogo taliyaha ayaa la sheegay iney weerareen ka dibna nolol ku soo qabteen.

Faysal Cabdi Bootaan ayaa ahaa taliyihii ciidanka Somaliland ee joogay taliska Goojacadde oo saaka ay dagaal ku qabsadeen xoogaga SSC.

Sidoo kale, ciidamada Somaliland oo maanta khasaare xoogan uu soo gaaray ayaa waxaa laga qabsaday gaadiid fara badan oo kuwa dagaalka ah, taangiyo, madaafiicda goobta, saanad milateri iyo maxaabiis, sidoo kale askar kale ayaa looga dilay dagaalka.

Saldhiga Goojacadde ayaa ahaa fariisinkii ugu weynaa ciidamada Somaliland ee laga abaabulayey dagaalada iyo duqeymaha ka socday Laascaanood bilihii la soo dhaafay, in la qabsadana waxay dharbaaxo xanuun badan ku tahay Maamulka Muuse Biixi oo ilaa hadda aan ka hadlin waxa saaka dhacay.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Like it? Share it!

Leave A Response