Madaxweyne Waare” Magaalada Xamar waxaa laga qaadaa 1 Bilyan oo doollar”

by admin | Saturday, Jul 11, 2020 | 461 views

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa noqday qofkii ugu dambeeyay oo Khudbad ka jeediyay Shirka Madaxda maamul goboleedyadda ee furmay Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Madaxweyne Waare waxaa uu u mahad celiyay dhamaan Shacabka iyo Xukuumada Galmudug sidii sharafta iyo Maamuuska lahayd ee ay usoo dhaweeyeen wafdigiisa iyo dhamaan ka qaybgalayaasha shirkan.

Waxaa Madaxweynahu uu rajo wanaagsan ka muujiyay in shirkan uu noqdo mid wax badan ka tara Arimaha Siyaasada ee dalka ka taagan oo ay ugu weyn tahay Arimaha Doorashooyinka.

Madaxweynaha Waare ayaa noqday Shaqsigii ugu horeeyay ee soo hadal qaaday Maqaamka Muqdisho ka dib markii uu sheegay in ay tahay Caasimadda Canshuur bixiyaha ugu weyn dalka.

“Muqdisho Matalaad Xaq ayeey u leedahay, waxaa hada noo yaal inaan ka hadalno maqaamkeeda, Magaalada Xamar waxaa laga qaadaa 1 Bilyan oo doollar hadanna waxaa u wehlisa Amni daro” ayuu yiri Madaxweyne.

Madaxweyne Waare ayaa intaasi kusii daray” Arrinta Banaadir waxaa ka xumahay mar walba in la iska warsado aakhiru saac, caasimaddaas waa wada leenahay, si aan raalli isaga nahay aan maqaam ugu raadino”

Like it? Share it!

Leave A Response