Ciidanka dowladda oo howlgal ka fuliyay degaano weeraro ka dhaceen

by admin | Sunday, Jul 12, 2020 | 436 views

Ciidamada Dowladda gaar ahaan qeybta taliska 27-aad ee ka howlgala deegaanada Hirshabeelle ayaa waxay howlgal lagu xaqiijinayo amniga ka sameeyeen wadada isku xirta Jowhar iyo Balcad iyo deegaano kale oo dhowr ah.

Howlgalkan oo ka dhan ahaa Al-Shabaab ayaa ciidanka Xoogga Dalka waxay ku gaareen deegaano badan oo la tuhunsanaa iney ku sugan yihiin Al-Shabaab,inkastoo uusan jirin dagaal dhex-maray Ciidamada iyo Al-Shabaab.

Deegaanada ay ciidanka howlgalka ka sameeyeen waxaa ka mid ah Jariirow, Gololeey Moobleen, Dhumaleey, Madax Gisi, Lafa-gare, Saarsaare, Cadiga Moobleen,Buulo mareereey iyo Gumareey oo dhammaantood ka wada tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka Xoogga Dalka Generaal Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho) ayaa sheegay in u jeeka howlgalka uu ahaa mid la doonayay in degaannadaas looga saaro Al-Shabaab.

Taliye Tareedisho ayaa Ciidanka ku bogaadiyay howlgalka ay ku qaadeen Al-Shabaab,waxaana uu sheegay inay jawaab deg deg ah ka bixin doonaan waxkasta oo keeni kara amni darro kana hortagayaan.

Wadada xiriirisa Magaalooyinka Jowhar & Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa dhowr jeer weeraro ay ku geeriyoodeen mas’uuliyiin ka tirsan Hir-Shabeelle iyo Ciidamo ka geystay Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response