Madaxweyne Xasan Sheikh oo maanta kulan wadatashi la qaadanaya masuuliyiintii hore ee dalka

by admin | Wednesday, Jul 12, 2023 | 116 views

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qabanaya kulan wadatashi ah oo ay wada qaadanayaan madaxdii hore iyo siyaasiyiinta dalka.

War saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulankan uu ku saleysan yahay wadatashi iyo is-qancin looga gudbayo xaaalada siyaasadeed ee dalka uu ku jiro.

Madaxtooyadu waxay sheegtay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu madasha kula wadaagi doona waxyaabaha u qabsoomay dawladdiisa intii uu xafiiska joogay, caqabadaha jira iyo hiigsiga mustaqbalka.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu dhageysan doona aragtidooda ku aadan xaalada dalka, amniga, ciribtirka Alshabaab, dib u eegista dastuurka, dimuqoraadiyeynta iyo doorashooyinka.

Dhammaan masuuliyiintii hore ee uu casuumay madaxweyne ah ayaa ah kuwo horey uga horyimid heshiiskii golaha wadatashiga ee wax ka beddelka qaab dhismeedka dowladda iyo doorashooyinka.

Xubnaha uu casuumay madaxweyne Xasan Sheikh ayaa xalay kulan horudhac ah ku yeeshay hoyga madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheikh Axmed iyagoo kawada tashanayay kulanka maanta.

Like it? Share it!

Leave A Response