Madxweyne Farmaajo oo guddoomiyay kulan horudhac u ah Shirka Dhuusamareeb

by admin | Tuesday, Feb 2, 2021 | 303 views

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay guddoomiyey kulan hordhac u ah shirka wadatashiga heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ee ku saabsan dardar galinta hannaanka doorashooyinka dalka iyo sii ambaqaadidda heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen.

Madaxda ayaa isla gorfeeyey dadaallada heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee loo qaaday hirgelinta doorashooyinka, xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku bogaadiyey Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleedyada oo ay wada qaateen kulankan dadaalka ay ku bixinayaan horumarinta dowladnimada iyo adkeynta midnimada shacabka Soomaaliyeed.
Maanta gelinka dambe ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Dhuusamareeb uu ka furmo shirka wadatashiga Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada, kaas oo looga hadlayo sidii xal looga gaari lahaa muranka hareeyay doorashooyinka.

Like it? Share it!

Leave A Response