faafaahin:Hoobiyeyaal lagu weeraray Dhuusamareeb, xilli Madaxweyne Farmaajo & RW Rooble ku sugan yihiin

by admin | Tuesday, Feb 2, 2021 | 307 views

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay tiro madaafiic ah lagu weeraray Xaafado ka tirsan Magaaladaas, kuwaas oo geystay khasaaro kala duwan.
Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in tiro madaafiic ah ay ku weerareen magaalada Dhuusamareeb oo ay ka socdeen kulan ay lahaayeen Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda dowlad Goboleedyada.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in ilaa ku dhowaad 10 hoobiye ay ku dhaceen xaafado ay dad rayid ah degan yihiin, isla markaana hoobiyeyaasha ay ku dhaawacmeen ilaa Afar qof oo mid kamid ah uu yahay Askari ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya.
Dadka hoobiyeyaasha ku dhaawacmay ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka Magaalada Dhuusamareeb, waxaana hakad galay intii ay hoobiyeyaasha dhacayeen shirarkii u socday Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada.
Ciidamo ka tirsan dowlada & kuwa Galmudug ayaa waxaa lagu daadiyay inta badan xaafadaha iyo wadooyinka Magaalada Dhuusamareeb si ay amniga u xaqiijiyaan, waxaana hoobiyeyaasha ay sameyn ku yeesheen isku socodka dadka iyo Ganacsiga.
Laamaha Amniga Magaalada Dhuusamareeb weli kama hadlin weerarkaasi hoobiyeyaasha ah ee lagu qaaday magaalada Dhuusamareeb, waxana jirtay in dhowr jeer Al-Shabaab ay weerar hoobiyeyaal ah ku qaadeen Garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb.

Like it? Share it!

Leave A Response