Mareykanka oo sheegay in 20 dagaalyahan oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab ku dileen duqeyn cirka ah gobolka Hiiraan

by admin | Wednesday, Feb 27, 2019 | 876 views

Qoraal ay ku shaaciyeen bogga Twitter –ka taliska Mareykanka ee Africom ayeey ku sheegeen in duqeyn ay ka fuliyeen deegaanka Shabeeley ee gobolka Hiiraan 25kii bishan ku dileen 20 ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab.

Taliska ayaa sheegay in howglalkan oo ay iska kaashadeen ciidamada dowladda Soomaaliya sidoo kale lagu bur buriyay gaari dagaal oo ay lahaayeen Al-shabaab.

Ma aysan sheegin shacab wax ku noqday, iyaga oo intaa ku daray in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.

23kii bishan duqeyn sidan oo kale diyaaradaha Mareykanka ku fuliyeen deegaanno hoostaga degmada Maxaas ayeey sheegeen ay ku dileen 35 dagaalyahan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab, iyaga oo sidoo kalana bur buriyay gaadiidkii ay la socdeen.

Marka leysku geeyo tirada dhimashada labadii maalmood ee u danbeeyay duqeymaha Mareykanka ay ka fuliyeen gobolka Hiiraan ayaa noqonaya 55 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

Gobolka Hiiraan ayaa hadda u muuqda mid ka mid ah bartilmaameedka weerarrada cirka ah ee Mareykanku ka fuliyo dalka Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response