Mareykanka oo sheegay in uu daryeel caafimaad u fidiyay Carruur ku dhaawacantay duqeyn uu ka fuliyay Galmudug.

by admin | Friday, Sep 15, 2023 | 89 views

Taliska Mareykanka ee howlgallada Qaaradda Afrika u qaabilsan ee loosoo gaabiyo AFRICOM ayaa sheegay in uu daryeel caafimaad u fidiyay labo carruur oo dhaawac kasoo gaaray duqeyn dhowaan uu ka fuliyay Deegaanka Ceel la helay Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug.

AFRICOM ayaa qiratay in duqeyntaas waxyeello kasoo gaartay dad rayid ah kuna caawineysay ciidamada Dowladda Federaalka ee howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ kawada deegaannada dhaca Bariga Gobolka Galgaduud.

Major Jessica Tait oo u hadashay Taliska AFRICOM ayaa sheegtay in howlgallada Mareykanka ee Soomaaliya ay yihiin kuwo lagu caawinayo Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah si looga adkaado ‘AS’.

“Kadib codsi ka yimid dawladda Soomaaliya, waxaa Taliska Ciidamada Afrika ee Maraykanku ay gurmad caafimad u fidiyeen laba caruur ah oo dhaawac ah, iyada oo midkood uu badbaaday” sidaasi waxaa tiri Major Jeesica Tait oo u hadashay AFRICOM.

Mareykanka ayaa dhowr jeer lagu eedeeyay in duqeymo uu ka fuliyay Koofurta & Bartamaha Soomaaliya in uu dhimasho iyo dhaawac ku gaarsiiyay Dad rayid ah inkasta oo AFRICOM weeraro aan badnayn ay qirteen waxyeelladaas ay geysteen.

Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa Washington ka dalbatay in ay bixiso magta (Diyada) Dadka ay waxyeellada gaarsiiyeen oo qaarkood la hayo Sawirro iyo muuqaallo laga duubay maadaama aanay beegsigu iyagu ahayn.

Like it? Share it!

Leave A Response